Xiriirka kubada cagta dalka France ayaa shaaca ka qaadeen in cayaaryahanka qaarada Yurub ugu wanaagsan Franck Ribery uusan ka qayb qaadan doonin koobka aduunka madaama uu kasoo kaban waayay dhaawac ka haayo dhanka dhabarka hoose sidaa darteed kubad sameeyahan nasiibka daran xagaagan shaashada ayuu ka daawan doonaa koobka aduunka oo khamiista nagu soo fool leh si rasmi ah dalka Brazil uga bilaaban doono, macalinka xulka France Didier Deschamps oo aad uga xun maqnaan shah Ribery ayaa saxaafada u sheegay xaalada uu xidigan ku sugan yahay wuxuuna yiri “tababar guud ayay xidigaha xulkeyga wadeen sidoo kalena Franck ayaa nagu soo biiray balse nasiib xumo wuxuu awoodi waayay inuu tababarka sii amba qaado waxaan soo wajahan xanuun daran kaasi oo laga dheehan karay wajigiisa inuu xaalad xun ku sugnaa sidaa darteed kama qayb qaadan doono koobka aduunka!”
Sidoo kale macalin Deschamps ayaa saxaafada u sheegay in kubad sameeye Clement Grenier isana dhaawac dhanka gumaarka ah soo gaaray uuna ka qayb qaadan doonin koobka aduunka, macalinka xulka France oo aad u niyad jabsan ayaa ku dhawaaqay labada xidig ee badali doonaan Ribery iyo Grenier wuxuuna sheegay inay booskooda buuxin doonaan Morgan Schneiderlin iyo Remy Cabella balse labadan xidig si rasmi ah xulka France tababar ma ula bilaabi doonaan madaama liiska xidigaha koobka aduunka ka qayb qaadanaayo gudbintiisa uu ku ekaa 2-bishan wuxuu macalin Deschamps sheehay inay FIFA codsi u direen sidoo kalena ay qaadan doonto maalmo dheeri ah sidoo loo aqbali lahaa Morgan Schneiderlin iyo Remy Cabella, waxaa naga xasuusin ah in xulka France kulankooda ugu horeeyo ayay la cayaari doonaan koobka aduunka xulka Honduras 15-ka bishan waxayna ku jiraan qaybta E.