Maamulka Kooxda Ac Milan ayaa go’aansaday in halyeeygii hore xulka talyaaniga iyo kooxda Milan Filippo Inzagh uu noqdo macalinka kooxda kadib markii kooxda ay ku cuslaatay iney hesho tababarahii Sevilla Unai Emery, Ac Milan ayaa xaqiijisay iney badashay tababare Clerence Seedorf iyadoo badal kaga dhigeysa Filippo Inzaghi.
Kubad sameeyihii hore xulka Holland ayaa maamulka Milan loo dhiibay bishii January kadib markii kooxda laga ceyriyay Massimiliano Allegri wuxuuna kooxda u hogaamiyay kaalinta 8-aad iney ku dhameysato.
Milan ayaa baadi goob ba’an u gashay badalka Seedorf balse waxey boorsada u qaateen tababaraha Sevilla Unai Emry inkastoo kooxda reer Spain ay ku adkeysatay in macalinkooda uusan ka tagi doonin. Milkiilaha kooxda Silvio Berlusconi iyo ku xigeenkiisa Adriano Galliani ayaa ku kulmay Milan waxxeyna go’aansadeen in Inzaghi uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Ac Milan.
40-jirkii hore xulka Azzurri ayaa 11-sano ka tirsanaa Milan isagoo kula guuleeystay koobab badan. Inzaghi wuxuu ciyaaraha isaga fariistay 2012 markaas oo loo dhiibay xilka tababaranimo ee kooxda Milan da’yarteeda balse haatan waa tababaraha kooxda Milan.