Home » Maxaa Cusub » RASMI: Fernando Torres Oo Amaah Ugu Biiray Kooxda Ac Milan

RASMI: Fernando Torres Oo Amaah Ugu Biiray Kooxda Ac Milan


Torres bench

Kooxda Chelsea ayaa heshiis la gaartay dhigeeda Milan iyadoo laba sano oo amaah ah siisay weeraryahanka reer Spain Fernando Torres sida ay ku shaacisay baraha xiriirka bulshada iyo website-keeda gaarka ah.

Weeraryahankaan reer Spain ayaan noqon mid ku faraxsan joogitaanka garoonka Stamford Bridge kadib markii Jose Mourinho uu keensaday Diego Costa oo lacago badan kaga yimid Atletico Madrid isagoo sidoo kalana si xor ah ugu soo celiyay Stamford Bridge Didier Drogba oo laba sano ka hor isaga tagay kooxda.

30-jirkaan haatan wuxuu ku biirayaa kooxda Ac Milan berito oo sabti ah, sida ay sheegtay Goal.com, isagoo badal u noqon doona Mario Balotelli oo Liverpool ku biiray.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close