Sky Sports News ayaa fahantay in kabtankii hore Gunners Cesc Fabregas uu ka tagi doono kooxda Barcelna isagoo dib ugu laaban doona horyaalka Ingiriiska.
Barcelona ayaa qorsheyneysa iney iska iibiso Fabregas madama uusan ka mid aheyn qorshahooda cusub ee xili ciyaaredka soo aadan walow warar soo baxay jimcihii ay sheegeen in Maamulka Barcelona ay beeniyeen wararka la xiriira Fabregas.
Sky Sports ayaa sidoo kale fahantay in Barcelona ay 30 Malyan ku iibineyso xidigaan xili kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Arsenal ay isku heystaan.
27-jirkaan reer Spain ayaa dhaliyay 9-gool 48-kulan oo uu xili ciyaareedkaan u saftay Barcelona isagoon wax koob ah la qaadin xili ciyaareedkii dhamaaday.
Fabregas ayaa shan sano oo heshiis ah la gaaray Barcelona sanadii 2011 markaas oo uu dib ugu soo laabtay Camp Nou maadama uu 8-sano kusoo qaatay kooxda Arsenal.