Home » Maxaa Cusub » RASMI: F.C. Porto Oo Xaqiijisay In Fernando Ay Ka Iibisay Man City, Imisa Ayey Ku Qadatay?

RASMI: F.C. Porto Oo Xaqiijisay In Fernando Ay Ka Iibisay Man City, Imisa Ayey Ku Qadatay?


Fernando

Manchester City ayaa dhameysay saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda F.C. Porto Fernando kaas oo u dhashay dalka Brazil wuxuuna ahaa xidig ay mudo badan dooneysay.

Manchester City ayaa la saxiixatay Fernando sida ay xaqiijisay kooxdiisa wuxuuna ugu biiray kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska 15 Malyan Oo Euro oo u dhiganta 12 Malyan Oo Pound.

26-jirkaan heerka caalami ayaa Etihad Stadium kula soo biiri doona xidiga ay isku dhalashada yihiin ee Fernandinho kaas oo xili ciyaareedkii hore kusoo biiray Ingiriiska.

Inkastoo xidigaan uu heshiiska u kordhiyay Porto bishii February isagoo gaarsiiyay 2017, balse Porto ayaa qirtay iney xidigaan u fasaxday inuu aado Mancehster si uu tijaabo caafimaad ugu maro.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close