33-jirka horey ugu cayaari jiray kooxda Liverpool Dirk Kuyt ayaa kulankiisii 100-aad u saftay xulka Holland wuxuuna laacibkan noqday taariikh ahaan cayaaryahankii 7-aad ee xulka Holland 100-kulan u safto, Kuyt ayaa ku faraxsan in safashadan taariikhiga ah ay kusoo beegmato kulan koob aduun ah, Kuyt kulankii ugu horeeyay xulka Holland wuxuu u saftay sanadii 2004 cayaar ay Holland la cayaareen xulka Liechtenstein wixii markaas ka dambeeyay marnaba xulkiisa kama maqnaanin wuxuuna xulkiisa kala qayb qaatay sedex koob aduun iyo sedex tartanka qaramada Yurub , Kuyt ayaa haatan iska bar bareeyay halyee Phillip Cocu oo isagana xulka Holland 100-kulan u saftay.
Goolhayihii hore ee xulka Holland ayaa ugu safasho badan xulkan wuxuuna u saftay 130-kulan oo heer caalami ah, waxaa kusoo xigo ruug cadaa Frank de Boe oo isagana xulka Holland u saftay 112-kulan, waxaaa xusid mudan in Rafeal vander Vaart uu isna xulka Holland u saftay 109-kuilan sidoo kale Giovanni van Bronckhorst ayaa isna Holland u safay 106-kulan sidaa darteed Dirk Kuyt ayaa heesto fursad uu kulamo dheeraad ah xulkiisa Holland ugu safan karo madaama xulkan ay wareega 8-aad koobka aduunka u gudbeen.
Profile