Home » Horyaalada » La liga » Rasmi: Deigo Costa Oo La Xaqiijiyay Inuu Kulanka Caawa Ka Qayb Qaadan Karo

Rasmi: Deigo Costa Oo La Xaqiijiyay Inuu Kulanka Caawa Ka Qayb Qaadan Karo


article-2630413-1DE7C71800000578-404_634x421

Kooxda Atletico Madrid ayaa si rasmi ah u sheegtay in weeraryahankeeda awooda badan Diego Costa uu safan karo kulanka xiisaha badan oo ay garoonka Camp Nou kula cayaari doonto naadiga Barcelona, inkastoo Costa uu dhaawacyo la daala dhacaayo sidoo kalena uusan sameynin tababar ku filan maalmihii aan kasoo gudubnay hadana waxaa la rajeynaa inuu caawo kulankan kooxdiisa u baahan tahay inay La Ligaha hanashadiisa ku xaqiijiso uu kasoo muuqan doono.

Daafaca kooxda Atletico Madrid Miranda ayaa wargeska Marca u sheegay in Costa uu safan doono kulankan wuxuuna yiri

“Diego diyaar ayuu u yahay inuu kulanka caawo safto waa xidig awood badan sidoo kalena tababar buuxdo ayuu sameeyay waxaana hubaa soo xaadiritankiisa inay niyad dhis weyn inoo noqon doonto”

Diego Costa wuxuu kooxdiisa Atletico Madrid u dhaliyay xili cayaareedkan 36-gool sidoo kalena kama dambeesta koobka horyaalada Yurub ayuu soo gaarsiiyay waxaa intaas usii dheer in kooxdiisa uu ka dhigan naadi awood badan oo ay la xifaaltami karo kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Sidaa darteed caawo soo labaashadiisa niyad ahaan macalin Deigo Simeone iyo xidigahiisa way ku farxi doonaan, kooxda Atletico Madrid waxay 3-dhibcoo ka sareysaa kooxda Barcelona oo haatan kaalinta 2-aad ku jirto.

Si Kastaba hadii Atletico ay caawo guuldaro ka bad baado iyada ayaa horyaalka hanan doonto markii ugu horeesay tan iyo 1996 balsehadii laga badiyo dadaalkii ay kooxdan soo waday tan iyo bilawgii xili cayaareedkan meel cidlo ah ayuu ku dhamaan doonaa waxaana horyaalka hanan doonto kooxda Barcelona.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close