Weeraryahanka Atletico Madrid David Villa ayaa caafimaad u maraya kooxda New York City isagoo ku sugan magaalada Manchester ee dalka ingiriiska sida ay fahantay goal.com.
32-jirkaan ayaa tagay Bridgewater Hospital sabtidii [Maanta] isagoo tagay Ingiriiska si uu u dhameystiro ku biiritaanka kooxda reer Mareykan ee New York City madama kooxdaan ay gadatay Manchester City.
Horyaalka Mareykanka ayaa bilaaban doona bisha March ee soo aadan wuxuuna Villa tababarka la qaadan karaa tan iyo March 2015 markaas oo horyaalka mareykanka furmayo kooxda Manchester City balse uma ciyaari karo.
Villa ayaa dhaliyay 13-gool, 36-kulan oo horyaalka Spain ah oo uu saftay waxaana loo magacaabay 23-ka xidig ee xulka Spain u matali doona koobka Aduunka oo macalin Del Bosque uu ku dhawaaqay.
David Villa ayaa Atletico Madrid kusoo biiray July 2013 markaas oo uu kasoo hayaamay kooxda Barcelona.