Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Daafaca Xulka Argentina Ezequiel Garay Oo Heshiis La Gaaray Naadiga Zenit.

Rasmi: Daafaca Xulka Argentina Ezequiel Garay Oo Heshiis La Gaaray Naadiga Zenit.


Garay

Daafaca xulka Argentina iyo naadiga Benfica Ezequiel Garay ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasoo wato horyaalka Russia kadib markii uu heshiis la gaaray naadiga Zenit St. Petersburg tani waxay naxdin ku noqotay dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan ee xidigan ku raad joogeen sida Man United, Bayern Munich, Barcelona iyo Roma inkastoo Gray uu heestay fursad uu kaga cayaari karay horyaalada Yurub ugu qiimaha badan hadana wuxu ku qancay dalabka naadiga Zenit sidoo kalena kooxdiisa Benfica ayaa dalabka naadiga reer Russia aqbashay waxayna Zenit xidigan ku iibsatay €15 million.

Qoraaga kubada cagta ka faaloodo Jan Hagen ayaa sheegay in naadiga Benifca ay kaliya iibka Gray ka heshay €6m waayo 50% milkiyada xidigan kooxda Real Madrid ayaa iska leh sidaa darteed naadiga reer Spain ayaa ka faa’iiday inuu Gray kooxda Zenit, 27-jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis 5-sano ah wuxuuna Zenit si rasmi ah uga mid noqon doonaa marka uu koobka aduunka soo idlaayo, Gray sedexdii sano ee ugu dambeesay wuxuu ka mid ahaa naadiga Benfica waxayna kooxdan siisay fursad dheeraad ah madaama uu markii hore kusoo fashilmay kooxda Real Madrid sidaa darteed Gray abaal weyn ayuu u heyn doonaa kooxda Benfica oo ka dhigtay inuu ka mid noqdo daafacyada Yurub ugu wanaagsan

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close