Goolhayaha reer Australia ee da’da ah Mark Schwarzer ayaa saxiixa heshiis hal sano ah oo uu kusii joogi doono garoonka Stamford Bridge isagoo baaqi sii ahaan doona ilaa June 2015.
Mark Schwarzer ayaa Chelsea kusoo biiray xili ciyaaredkii lasoo dhaafay isagoo si xor ah ku yimid galbeedka London Peter Cech ayuuna labaad u aha.
Dhaawac ku yimid Cech ayaa sahal uga dhigay inuu matalo Chelsea kulamadii ugu dambeeyay tartamada oo dhan, inkastoo la filayay inuu ka tago koxda madama la hadla hayo in Thibaut Courtios uu kusoo laaban doono koxda.
Mark Schwarzer ayaa kusoo bilowday 12-kulan, sidoo kalana 1-kulan ayuu badal kusoo galay mudadii uu ku sugnaa Blues.
Profile