Tababarihii hore ee xulka Argentina iyo naadiga Fiorentina Cesar Prandelli ayaa si rasmi ah ula wareegay hogaanka naadiga Galatasaray ee ka dhisan dalka Turkiga, labo todobaad ka hor markii uu jagada xulka Italy iska dhiibay ayaa la xaqiijiyay inuu kooxda Galatasaray la wareegi doono balse maanta ayaa si rasmi ah macalinimadiisa saxaaafada aduunka loola wadaagay wuxuuna 56-jirkan kooxda reer Turkey hogaamin doonaa 2-sano ee nagu soo fool leh.
Kooxda Galatasaray waxaa dhawaan xilkeeda iska dhiibay Roberto Mancini kadib markii isfahan daro iyo nayiijo xumo aawgeed xilka looga xayuubiyay balse Cesar Prandelli ayaa aqbalay inuu dhabarka u dhigto sidii uu hanka kooxda reer Turkey u rumeyn lahaa wuxuuna wacad ku maray tababarahan qabiirka ah inuu kooxda Galatasaray dib ugu soo celin doono wadadii guusha ee lagu yaqiinay, agaasimaha cayaaraha kooxdan Tomas Ujfalusi ayaa xaqiijiyay magacaabista Prandelli wuxuuna yiri “Cesar waa macalin qabiir ah kua haboon hogaaminta Galatasaray wuxuuna nala joogi doonaa 2-sano ee nagu soo fool leh, waa shaqsi aan aqoon dheer u leeyahay madaama waayihii aan Fiorentina u cayaari jiray uu macalin ii ahaa waxaana rajeynaa inuu Galatasaray guulo u horseedi doono”
Profile