Home » Horyaalada » Bundesliga » RASMI: Bayern Munich Oo Xaqiijisay Iibka Mario Mandzukic

RASMI: Bayern Munich Oo Xaqiijisay Iibka Mario Mandzukic


Mandzukic

Gudoomiyaha Naadiga Bayern Munich Mathias Sammer ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Atletico Madrid ay la saxiixatay Mario Mandzukic oo weerarka kaga ciyaara kooxda Bayern Munich.

Sammer ayaa aad ugu mahad celiyay Mandzukic waxqabadkiisa kooxda Bayern Munich isagoo u rajeeyay inuu ku wanaagsanaado meel walba.

“Mahadsanid Mandzukic dadaalkaagii aad Bayern u sameysay, waxaan kuu rajeyneynaa wanaag” Ayuu yiri Mathias Sammer.

Atletico Madrid ayaa heshay badalka saxda ah ee Diego Costa kaas oo ku biiraya Chelsea, waxaana ay heleen Mario Mandzukic oo labadii xili ciyaareed ee u dambeeyay ku qarash gareeyay noloshiisa Allianz Arena.

Mario ayaa dhaliyay 48-gool, 88-kulan oo uu u saftay kooxda Bayern Munich dhamaan kulamada oo dhan, waxaana lagula saxiixday 22 Malyan Oo Euro sida ay ku warameen warbaahinta Jarmalka.

Wax walba wey dhamaadeen Mario Mandzukic ayaa dhamaadka isbuucaan aadi doona Spain si uu u dhameystiro wixii dhiman isla markaana isbuuca soo socda wuxu la bilaabi doonaa tababarka kooxda Diego Simeone.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close