Bayern Munich aaya si maldahan kooxda ka dirtay weeraryahanka reer Croatia Mario Mandzukic kadib markii ay soo bandhigeen saxixooda cusub Robert Lewandowski kaas oo kooxda Dortmund si xor ah kaga soo biiray xagaagan.
Robert Lewandowski ayaa loo xiray numberka 9-aad ee kooxda oo uu watay Mario Mandzukic waxeyna wararka qaar saakay tilmaamen inuu ku dhawyahay ku biiritaanka Atletico Madrid inkastoo ay ku raad joogeen kooxaha Chelsea, Arsenal & Juventus oo ka wada dhisan yurub.
28-jirkaan reer Croatia ayaa waqti farxadeed kusoo qaatay Munich isagoo kula guuleystay Champions League wuxuuna u dhaliyay 48-gool, 88-kulan oo uu u saftay dhamaan tartamada oo dhan laba sano oo uu ku sugnaa Allianz Arena.
Bandhiga Robert Lewandowski ee numberka 9-aad Kooxda Bayern ayey kooxda Jarmalka ah ku shaacisay bogeeda xiriirka bulshada Twitter-ka sida sawirka hoose kaaga muuqata.