Sida lagu shaaciyay website-ka iyo bogga twitter-ka kooxda Bayern Munich ayaa dhameystirtay saxiixa Douglas Costa oo ka tirsanaa kooxda Shakhtar Donetsk waxeyna ku qaadatay aduun dhan 30 Malyan oo Euro ah.
Kooxda reer Ukraine ayaa ku dhawaaqday iney Douglas Costa arintiisa kala heshiisay Bayern Munich, waxeyna uga mahad celiyeen waxqabadkii uu sameeyay waayahiisa kooxda.
24-jirkaan reer Brazil wuxuu qalinka ugu duugay kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola heshiis shan sanadood ah kaas oo dhacaya June 2020.
Kooxda ka dhisan Ukraine waxey warbixin ku shaacisay twitter-ka iyadoo sheegeysa in wax walba oo suuragal u ah heshiis ay dhameysteen halka Bayern ay goor dhaw iyana shaacisay iney dhameystirtay saxiixa xidigaan.
Xidigaan heerka caalami wuxuu awood u leeyahay inuu ciyaaro labada garab ee weerarka iyo weerarka dhexe wuxuuna Bayern kula midoobi doonaa Robben, Ribery iyo Lewandowski.