Koxda Kubada Cagta Barcelona ayaa website-keeda ku shaacisay iney saxiixa Alexis Sanchez kala heshiisay kooxda Ingiriiska ah ee Arsenal iyadoo sheekadu u muuqato iney ku dhawdahay in xidigaan uu si rasmi ah kaga mid noqdo kooxda Waqooyiga London ka dhisan.
Xalay ayey aheyd markii Tima Jaraha Alexis Sanchez uu qiray in Alexis uu macsalaameeyay si uu ugu biiro kooxda Arsenal ee ka dhisan Ingiriiska.
25-jirkaan ayaa haatan la aaminsan yahay in 90% uu ku biiray Arsenal iyadoo kooxda Arsenal ay maanta u balasna tahay iney soo bandhigto sadex saxiix oo muhim ah kuwaas oo ay sugayaan Jamaahiirta Gunners iyo sidoo kale bandhiga maaliyada cusub ee shirkadda PUMA.
Carlos Moles oo ah timajaraha Alexis ayaa yiri:
“Alexis wuu isoo booqday si uu ii macsalameeyo” Ayuu kusoo qoray bogiisa Facebook, “Wuxuuna iigu waramay inuu ku biirayo Arsenal” Ayaa laga soo xigtay Carlos Moles.
Profile