Home » Horyaalada » La liga » Rasmi: Barcelona Oo Sheegtay Inay Labo Cayaaryahan Ku Wareejin Doonto Arsenal Si Ay Ozil Kaga Hesho

Rasmi: Barcelona Oo Sheegtay Inay Labo Cayaaryahan Ku Wareejin Doonto Arsenal Si Ay Ozil Kaga Hesho


Ozil

Maal mihii ugu dambeeyay saxaafad dalalka Spain iyo England waxay siweyn u hadal hayeen in kooxda Barcelona ay u sara kacday saxiixa kubad sameeye Mesut  Ozil oo aan la hubin inuu xagaagan kooxdiisa Arsenal baaqi kusii ahaan doono, inkastoo maalmo ka hor la sheegay in Barcelona ay 30-milyan oo euro ah ku dooneyso 25-jirkan xula Jarmalka ka tirsan hadana haatan gudaha garoonka Camp Nou waxaa laga helay xog kale oo sheegeyso inay Barcelona labo ka mid ah xidigaheeda ugu tayada wanaagsan ay Arsenal ku wareejin doonto si ay Ozil kaga hesho, sidoo kale wargeska Mundo de Portivo oo ku hadlo codka Barcelona ayaa sadaalinaayo in Ozil uu dib ugu soo laaban doono La Ligaha Spain diyaarna u yahay inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato horyaalka Spain oo uu kusoo caan baxay xidigan farsamada wanaagsan.

Francois Gallardo oo ah wakiil u diwaan gashay FIFA inta badana helo xog muhiim ah oo ku aadan suuqa Yurub ayaa sheekadan daaha ka rogay madaama uu sir ka helay dhaq dhaqaaqa ay Barcelona ku dooneyso inay Ozil kula soo saxiixato wuxuuna yiri “waxaan helay xog la isku haleen karo taasi oo sheegeyso in Barcelona ay labo cayaaryahan dhigeeda Arsenal ku wareejin doonto si a Ozil kaga hesho dabcan Pedro waan hubaa inuu qayb ka noqon doono heshiiskan balse cayaaryahanka kale magaciisa ima soo gaarin laakiinse waxaan rajeynaa inuu noqon doono shaqsi caan ka ah gudaha garoonka Camp Nou!” inkastoo Barcelona ay wado qorshe xoogan hadana macalin Arsene Wenger oo taageero weyn u ah Mesut Ozil diyaar uma ahan inuu xagaagan fasaxo midaas ayaa caqabad ku noqon doonto kooxda reer Spain.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close