Home » Horyaalada » La liga » RASMI: Barcelona Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Marco Reus

RASMI: Barcelona Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Marco Reus


Barca Xaqiijin

Inkastoo Marco Reus  ay ku dhacday nasiib daro markii uu waayay koobkii Aduunka ee ugu horeeyay noloshiisa kubada cagta kadib dhaawac soo gaaray kulankii ugu dambeeyay oo ay xulkiisa  6-1 ku xasuuqeen xulka Armenia hadana waxaad moodaa inuu ka dhaqaaqi doono Signal Iduna Park.

Sida ay shaacisay Jariirada kasoo baxda gobolka Catalan ee SPORT Barcelona ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay garabka Weerar ee kooxda Borrusia Dortmund Marco Reus.

Tababaraha cusub ee Barcelona Luis Enrique ayaa doonaya inuu weerarka Barcelona ka dhigo Neymar, Reus & Lionel Messi taasoo koox laga cabsado ka dhigi doono xagaaga soo aadan.

SPORT ayaa soo jeedineysa in dalabkii Lionel Messi ee ahaa in la keeno Aguero uu burburay madama Jamaahiirta kooxda ay todobaadkaan gudahiisa u codeeyeen in la keeno Marco Reus 89%, Sidoo kalana SPORT ayaa shaacisay in Marco Reus qudhiisa uu doonayo inuu dhaqaaqo xagaagan.

Marco Reus ayaa 2012 kusoo biiray Kooxda Dortmund isagoo kaga soo biiray kooxda Jarmalka ka dhisan ee Borrusia Monchengladbach wuxuuna laba xili ciyaareed oo dahabi ah ku hoos qaatay tababare Jurgen Klopp.

Si Kastaba Barcelona ayaa Marco Reus kusoo qaadan Doonta 35 Malyan Oo Euro.

Reus

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: RASMI: Barcelona Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Marco Reus

  1. zeki tulux Reply

    June 9, 2014 at 6:28 PM

    waa wr lagu farxo inaadiga aan taageraha u ahy helaan laacibkan da’dayr ee marc reus waa laciib aad u bandhig badn ………………………….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close