Kooxda Barcelona ayaa aqbashay dalab ay ka heshay kooxda Arsenal oo ahaa iney 40 Malyan Oo Euro ku dooneyso weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez sida ay fahantay il wareedka Goal.com ee caalamiga ah.
Gunners ayaa haatan diyaarineysa saxiixa xidigaan waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo heshiiskiisa 48-da saac ee soo socota xili Gunners ay saaciday in Alexis Sanchez qudhisa uu doortay inuu ka ciyaaro Emirates halkii uu ka ciyaari lahaa Anfield Road.
Warkaan ayaa imaanaya xili koxaha Liverpool, Manchester United, Manchester City & Juventus ay ku raad joogeen saxiixa xidigaan reer Chile kaas oo wali aan kasoo laaban fasaxii uu ku aaday koobka Aduunka.
Sida laga helayo ilo ku dhaw Barcelona heshiiska Alexis Sanchez e Arsenal wuxuu ku xiran yahay hadba waxa ay Barcelona kala kulanto arinta Suarez waxaana 25-jirkaan uu faarujin doonaa Camp Nou marka ay Barca gacanta ku dhigto Luis Suarez kaas oo haatan lagu qiimeeyo 88 Malyan Oo Euro.
Ugu dambeyntiina maareyaha ciyaaraha ee Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa cadeeyay talaadadii in Alexis Sanchez ay ka iibinayaan koox walba madama uu xidigaan diiday inuu ka qeyb noqdo heshiiska Suarez ee Liverpool.
25-jirkaann ayaa xili ciyaareedkii hore dhaliyay 21-gool dhamaan tartamada oo dhan.
Alexis welcome