Bacary Sagna ayaa soo afjaray todoba sano oo uu ku sugnaa garoonka Emirates kadib markii uu heshiis sadex sano ah u saxiixay kooxda Manchester City sida ay qortay Metro oo soo xiganeysa wargeyska faransiiska kasoo baxa ee L’Equipe.
Xidigaan reer France kaas oo heshiiska uu kula jiray Gunners uu soo idlaaday ayaa doorbidayay inuu heshiis laba sano oo dheeraad ah u saxiixo kooxdiisa isla markaana uu sii joogo Emirates.
Balse bishii hore ayuu isfahami waa dhexmaray isaga Arsenal, jariirada faransiiska kasoo baxda ee L’Equipe ayaana shaacisay in Sagna uu qalinka ku duugay heshiis sadex sano ah uu kusii joogayo Premier League.
Wararka ka imaanaya faransiiska ayaa intaas ku daraya in kooxda heysata horyaalnimada Premier League Manchester City ay sadex sano sii heysaneyso Bacary iyadoo isbuucii siineysa 150,000 Pound halka Arsenal ay usoo bandhigtay inuu qaato 80,000 Pound.
Sidoo kale Sagna ayaa dalabyo ka helay kooxaha PSG, Monaco & Galatasaray balse xidiga madow ee reer France ayaa doorbiday inuu kusii nagaado horyaalka Premier League.
XIGASHO: