Sida ay xaqiijiyeen Xiriirka Kubada Cagta Talyaaniga (FICG) tababarahii hoe kooxda Juventus Antonio Conte ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee xulka Azzurri.
45-jirkaan reer talyaani ayaa badali doona Cesar Prandelli oo shaqadaan isaga tagay kadib koobka Aduunka markaas oo xulka qaranka Italy ay si foolxumo ah kaga soo hareen tartankaas madama ay ku fashilmeen iney ka gudbaan heerka groupyada waana tartankii labaad oo xiriir ah oo ay sidaas ku dhacdo.
Madaxweynaha xiriirka talyaaniga Carlo Tavecchio ayaa magacaabay Antonio Conte oo sadex horyaal oo xiriir ah Juventus u suuragaliyay wuxuuna xilkaan heyn doonaa labada sano ee soo aadan.
Sidoo kale website-ka ay sida gaarka ah u leeyahiin xiriirka kubada cagta talyaaniga ayaa lagu qoray magacaabista Antonio Conte.
“Madaxweyne Tavecchio iyo Antonio Conte ayaa si toos ah iskula hadlay qadka taleefanka subaxnimadii saakay [Khamiis] iyagoo ka wada hadlay si loo dhameeyo heshiiska uu macalinkaan ku qaadi doono xilka Italy tan iyo 31-da June 2016.
Ugu dambeyntii Antonio Conte ayaa haatan ah tababaraha rasmiga ah ee xulka Qarnaka Italy, waxaana lasoo bandhigi doontaa 19-ka Bisha August oo ku beegan Talaadada soo aadan.
Profile