Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Ander Herrera Oo Maanta Galinka Dambe Old Trafford Soo Gaari Doono Si Uu Tijaabo Caafimaad Ugu Maro

Rasmi: Ander Herrera Oo Maanta Galinka Dambe Old Trafford Soo Gaari Doono Si Uu Tijaabo Caafimaad Ugu Maro


Herrera

Ugu dambeyntii kooxda Man United ayaa ku guuleesatay saxiixa Ander Herrera oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Athletico Bilbao, laacibkan tayada wanaagsan Man United waxay ku raad joogtay mudo dheer weliba sanadkii hore ayay saxiixiisa ku guul dareesatay balse maanta waxaa u suura gashay inay gacanta kusoo dhigto, wargesyada dalka Spain ayaa xaqiijiyeen in kooxda Bilboa ay aqbashay dalabka Man United kaasi oo ah £28m waana lacagaha qandaraaskiisa lagu jebin karo, United ayaa soo dadajisay soo xero galinta 24-jirkan madaama bishan hadii ay dhamaato lacagaha qandaraaskiisa lagu jebin karo sare u kac ku imaan lahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in Ander Herrera uu Man United heshiiska shaqsiga ah la gaaray wuxuuna aqbalay inuu qalinka u duugo heshiis 4-sano ah asigoo todobaad walbo qaadan doono £50,000 balse dhamaan heshiiska Man United ay la gaartay kooxda Athletico Bilbao wuxuu si rasmi ah u hirgali doonaa marka uu xidigan ku guueesto tijaabada caafimaad ee uu maanta mari doono waxaana lagu wadaa xidigan tayada wanaagsan inuu Old Trafford soo gaaro si uu tijaabo caafimaad u maro, xidigan oo horey ugu cayaari jiray naadiga Real Zaragoza ayaa ku faraxsan inuu noqdo xidiga ugu horeeyo ee uu tababare Luis Van Gaal lasoo saxiixan doono xagaagan.

F.G: aqbaar walbo oo ku aadan arinta Herrera waan idiin soo gudbin doonaa insha Allah


Close