Home » Europe » Europe League » Rasmi: 20-ka Naadi Ee Aduunka Ugu Lacagta Badan Oo Shaaca Laga Qaaday Hadaba Yaa kaalinta 1-aad Ku Jiro

Rasmi: 20-ka Naadi Ee Aduunka Ugu Lacagta Badan Oo Shaaca Laga Qaaday Hadaba Yaa kaalinta 1-aad Ku Jiro


Real 1

Sidii la wada sugaayay Deloittes oo qaabilsan xisaabinta iyo u kuur galida daqliga soo galo kooxaha aduunka ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday 20-ka naadi ee caalamka ugu lacagta badan, warbixintan oo mid sanadle ah ayaa lagu saleeyay kaliya sanadkii 2013 ee aan kasoo gudubnay iyo koox walbo daqliga soo galay sidaa darteed naadiga Real Madrid ayaa sanadkii 2-aad oo xariir ah noqotay kooxda aduunka ugu lacagta badan kadib markii uu naadigan usoo xarooday €518.9 million, naadiga Man United  oo horey looga bartay inay safka hore iska joogto dhanka lacagah ayaa hoos u dhac xoogan sameesay sanadkii 2013 waxayna haatan usii dhaadhacday kaalinta 3-aad.

Naadiga Bayern Munich oo sanadkii 2013 ku guuleesatay 5-koob ayaa dhanka daqligaha kooxaha usoo xarooday kaga jirto kaalinta 4-aad waxaana soo galay daqliga lagu sheegay €431.2 million, dhanka kale Premiership-ka England ayaa ku leh tobanka naadi ee aduunka ugu lacagta badan 4-ka mid ah balse waxaa xusid mudan in kooxda Liverpool sanadkan laga waayay top 10-ka, guud ahaan hoos kaga bogo 20-ka naadi ee aduunka ugu lacagta badan sanadkii 2013 warbixin ku aadan oo haatan lasoo saaray:

1. Real Madrid €518.9 million

2. Barcelona €482.6 million

3. Bayern Munich €431.2 million

4. Manchester United €423.8 million

5. Paris SG €398.8 million

6. Manchester City €316.2 million

7. Chelsea €303.4 million

8. Arsenal €284.3 million

9. Juventus €272.4 million

10. AC Milan €263.5 million

11. B. Dortmund €256.2 million

12. Liverpool €240.6 million

13. Schalke 04 €198.2 million

14. Tottenham €172 million

15. Inter Milan €168.8 million

16. Galatasaray €157 million

17.Hamburger SV €135.4 million

18. Fenerbahce €126.4 million

19. AS Roma €124.4 million

20. Atletico Madrid €120 million

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close