Xidiga dhalinta yar Raheem Sterling ayaa muran badan ka dhaliyay gudaha garoonka Anfield kadib markii uu diiday inuu kooxdiisa tababar la qaato sidoo kalena uu ka mid noqdo xidigaha macalin Rodgers uu Bariga fog safar cayaareed ugu wadan doono.
Raheem Sterling qorshihiisa waa mid cad wuxuuna doonayaa inuu Liverpool ku caaadiyo sidii kooxda Man City looga iibin lahaa halka safar cayaareed loo wadi lahaa.
Hadaba Raheem Sterling falka uu ku kacay ayaa dib u xasuusiyay saxaafada Ingiriiska xidigo hada ka hor falkan oo kale ku kaceen si ay kooxahooda isaga fasaxaan, waxaana xidigahaas ka mid ah:
Dwight Yorke (Aston Villa): waxaa xagaagii 1998 £12.6m looga iibiyay Man United
Nicolas Anelka (Arsenal): waxaa xagaagii 1999 £22.3m looga iibiyay Real Madrid
Pierre Van Hooijdonk (Nottingham Forest): Xagaagii 1998 waxaa £3.5m looga iibiyay naadiga Vitesse
Dimitar Berbatov (Spurs): Xidigan ayaa Man United £30.75m ku aaday saacidihii ugu dambeeyay suuqa
William Gallas (Chelsea): xagaagii 2006 wuxu ku biiray kooxda Arsenal
Robbie Savage (Birmingham): Xidigan waxaa £3m looga iibiyay naadiga Blackburn Rovers
Peter Odemwingie (West Brom): Kooxda Cardiff City £2.25m ku qaadatay September 2013
Clint Dempsey (Fulham): xidigan xagaagii 2012 wuxuu ku biiray naadiga Tottenham
Carlos Tevez (Manchester City): Xidigan ayaa si waji xumo ah naadiga Juventus
Luis Suarez (Liverpool): Xagaagii 2013 Suarez wuxuu diiday inuu tababar la qaato Reds kaligiis ayaana tababar qaadan jiray balse ma bixin isla sanadkaas sanadkii xigay ayuu baxay.