Home » Horyaalada » Bundesliga » Rafael Van der Vaart Oo Jaceyl Cusub La Sameenaya Sabia Boulahrouz Oo Ah Xaaska Laacibkii Hore Chelsea Khalid Boulahrouz.

Rafael Van der Vaart Oo Jaceyl Cusub La Sameenaya Sabia Boulahrouz Oo Ah Xaaska Laacibkii Hore Chelsea Khalid Boulahrouz.


rafa3Xidiga khadka dhexe ee kooxda Hamburg , Rafael van der Vaart ayaa markii ugu horeeysay meel fagaaro ah la yimid saxibtiisa cusub tan iyo markii ay 9 bilood ka hor kala tageen xaaskiisii hore Sylvie waxaana arinkaan si weyn wax uga yiri dadka odorasa ciyaaraha,Laakiin dadka wax qora ayey la yaab ku noqotay markii la,arkay jaceylka cusub ee Rafael van der Vaart taas oo noqotay xaaska xidigii hore ee kooxda Chelsea Khalid Boulahrouz.

Sabia Boulahrouz iyo ninkeeda Khalid Boulahrouz ayaa la sheegay in ay isku dhacsanayan mudooyinkan balse aaney is furin sidaa waxaa sheegtay Bild Sport,Rafael van der Vaart iyo Sabia ayaa ka soo muuqday xaflad ay isugu yimaadeen halyeyadii hore ee kooxda Hamburg ,waxaana la,arkayay iyagoo muujinaya astamo dareen leh.

Rafael van der Vaart ayaa dhowaan weerar afka ah ku qaaday xaaskiisii hore “waxey aheyd nacas uma qalmin nolasha waxey aheyd maan gaab waan ka shalaynaya wixii na dhex maray ayuu usheegay Bild Sport waxaana uu xidiga weli sida la aaminsanyahay uu jeceyl daran u hayaa xaaskiisii hore Sylvie oo iyana hada aan heesan saaxiib cusub.

rafa3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close