Home » Latin America » Radamel Falcoa & Xulkiisa Colombia Oo Soo Tiigsaday Koobka Aduunka 2014, Kadib Barbardhicii Chile

Radamel Falcoa & Xulkiisa Colombia Oo Soo Tiigsaday Koobka Aduunka 2014, Kadib Barbardhicii Chile


colombia-bolivia-1

Xulka Colombia ayaa noqday xulkii labaad ee Ka socda Latin America ee xaqiijiya inuu soo xaadiray Koobka Aduunka ee 2014-ka lagu qaban doono dalka Brazil.

Colombia ayaa ciyaar xiiso badan la yeelatay Chile inkastoo barbaro 3-3 ay kusoo dhamaatay hadana Colombia ayaa kusoo baxday 27-dhibcood inkastoo hal kulan uu harsan yahay.

Radamel Falcoa iyo ALexis Sanhez ayaa si isku mid ah min laba jeer shabaqa soo taabtay, waxaana goalka ku hormaray Chile oo daqiiqadii 18-aad goal rigoore ah ka heshay Arturo Vidal, Wax yar kadibna waxaa labeeyay Alexis Sanhez daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta, Sanchez ayaa mar kale shabaqa soo taabtay 29-daqiiqo shabaqana dhexdhigay goalkii sadexaad ee Chile.

Chile ayaa kaarka cas laga siiya Carmona daqiiqadi 66-aad ee ciyaarta markaas wixii ka dambeeyay Colombia ayaa qabsatay garoonka waxaana daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta goal u dhaliyay Teofilo Gutiérrez.

Daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta Falcoa ayaa rigoore dhaliyay, mar kale rigoore ayuu dhaliyay daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta, taasna waxey u sahashay iney boos ka helaan koobka aduunka ee 2014-ka.

Chile ayaa fursad leh madam ay leeyihiin 22-dhibcood, waxaase rajadoodu xun tahay Uruguay oo qasaaro 1-0 ah kala kulmay Ecuador.

Ugu dambeyna Argentina ayaa garaacday Peru inkastoo ay goor hore xaqiijisay booskeeda Koobka Aduunka hadana Lavezzi iyo Palacio ayaa u sahlay Argentina iney 3-1 ku dhaafaan Peru.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close