Home » Maxaa Cusub » R. v. Persie: “Madaxii Aan Ka Dhaliyay Spain Wuxuu Ahaa Goolkii Ugu Wanaagsanaa Waayaheyga”

R. v. Persie: “Madaxii Aan Ka Dhaliyay Spain Wuxuu Ahaa Goolkii Ugu Wanaagsanaa Waayaheyga”


RVp

Kabtanka Xulka Holland Robin Van Persie ayaa qiray in goolkii cajiibka ahaa oo uu ka dhaliyay Spain  kulankii furitaanka groupka B ee ay xasuuqa u geysteen difaacdayaasha uu ahaa goolkii ugu quruxda badnaa ama ugu fiicnaa ebid uu dhaliyo waayihiisa ciyaaraha.

Weeraryahanka Manchester United ayaa dhaliyay madax uu si aad ah ula beegsaday goolka Spain markii uu Casillas waxyar kasoo durgay goolkiisa, wuxuuna ahaa gool uu barbardhac ugu keenay Holland dhamaadkii qeybta hore ee ciyaartii jimcihii dhacday.

“Waa goolkii iigu fiicnaa waayaheyga ciyaaraha, wuxuu ahaa gool aan caadi aheyn”

“Waxey aheyd qamaar balse Casillas ayaa leenkiisa waxyar soo dhaafay ka hor inta uusan karooska ii imaan, anigana go’aan ayaan qaatay”

“Waxaan helay Kubada, xili Casillas uu goolkiisa waxyar soo dhaafay, wuxuu ahaa goolkii iigu fiicnaa nolosheyda” Ayuu Robin Van Persie sheegay.

Robin Van Persie ayaa dhaliyay 45-gool, 85-kulan oo uu u saftay Holland.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close