Home » Maxaa Cusub » Qorshaha Arsenal Oo Daaha Laga Qaaday: Waxay £60m Kusoo Iibsan Doontaa 4-Cayaaryahan

Qorshaha Arsenal Oo Daaha Laga Qaaday: Waxay £60m Kusoo Iibsan Doontaa 4-Cayaaryahan


remy 5

Macalin Arsene Wenger iyo kooxdiisa Arsenal waxay ku dadaali doonaan xagaagan inay gacanta kusoo dhigaan xidigo tayo wanaagsan sidoo kale taageerayaasha kooxdan ma doonayaan markale inay arkaan kooxdooda oo ka gaabineyso suuqa cayaartooyda Yurub lagu kala iibsado sidaa dartee naadigan ka dhisan Waqooyiga London qorshaha ay suuqa Yurub ku gali doonto ayaa la ogaaday waxayna £60m kula soo saxiixan doontaa 4-cayaaryahan oo bartilmaameed u ah.

Arsenal oo si xeeladeesan suuqa Yurub uga dukaameesan doonto ayaa la sheegay in marka hore ay £12m kusoo iibsan doonto weeraryahanka xulka France Loic Remy kaasi oo ay milkiyadiisa leedahay naadiga QPR.

Arsenal oo dhanka weerarka dooneyso inay iska dhisto waxay sheegtay £25m kula soo saxiixan doonto weeraryahanka aan Chelsea looga baahneyn Romelu Lukaku, sidoo kale daafac garabka midig ka cayaari karo sidoo kalena booska Bacary Sagna buuxin karo inay Arsenal hesho waa u muhiim waxayna kooxdan lasoo saxiixan doontaa daafaca xulka Ivory Coast Serge Aurier weliba xidigan naadiga Toulouse ka tirsan £8m ayay Arsenal London ku keeni doontaa.

Geeska kale 24-jirka naasiibka u yeeshay maalmo ka hor in xulka France loogu yeero Morgan Schneiderlin ayay Arsenal lasoo saxiixan doontaa laacibkan khadka dhexe ku wanaagsan kana tirsan naadiga Southampton waxay Gunners-ka kusoo iibsan doontaa £15m weliba waa badalka Mikel Arteta oo Arsenal ka duqoobay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close