Home » Maxaa Cusub » QASAARO U JOOG: Xidiga Chelsea Ramires Oo Ku Guuleestay Abaalmarin Uusan Jecleesanin!

QASAARO U JOOG: Xidiga Chelsea Ramires Oo Ku Guuleestay Abaalmarin Uusan Jecleesanin!


Ramires

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka Brazil iyo naadiga Chelsea Ramires ayaa ku guuleestay abaal marin uusan jecleesanin madaama loo aqoonsaday laacibka ugu qasaarinta badnaa EPL xili cayaareedkii dhamaaday fursadihii uu helay.

Inkastoo Ramires uusan ahayn weeraryahan hadana xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday wuxuu laacibkan sameeyay dadaal dheeraad ah balse dadaalkiisa ayaa u keenay dacaayad xun waayo 51-laad oo tuuray intii uu Premiership-ka socday xili cayaareedkii 2013/14 kaliya hal gool ayuu ku cal faday taasi ayaa ka dhigay in 50-laad oo gool loo fishay uu xidigan qasaariyay mana jiro laacib intaas fursadood qasaariyay xili cayaareedkii dhamaaday.

Sidaa darteed abaal marin uusan jecleyn ayuu helay taasi oo ah inuu noqday xidig dadaalkiisa badan yahay balse dhaliskiisa yar yahay. Andy Carroll ayaa isagana labaad galay madaama uu Ramires la mid noqday sidoo kalena isagana hal gool ayuu dhaliyay inkastoo uu 50-laad goosha la helay balse weeraryahankan awood badan waxaa lagu tilmaamay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka EPL ka cayaaraan kuwa ugu tayada xun marka ay timaado dhalinta goolasha.

Nathan Redmond oo isagana ka tirsan naadiga Norwich ayaa kaalinta 3-aad soo galay sidoo kale xidigaha ay lacagta badan kasoo bixisay kooxda Tottenham xili cayaareedkii dhamaaday Roberto Soldado.

Andros Townsend iyo Paulinho ayaa dhamaantood liiskan top 10-ka kasoo galeen waxaana lagu tilmaamay xidigaha ugu tayada xun marka ay timaado sida goolasha loo dhaliyo ama fursadaha looga faa’iideeyo.

Ugu dambeyntii Fernando Torres isagana liiskan ayaa lagu soo daray madaama weeraryahankan uu dhaliyay 6-gool oo qura balse 61-fursadood ayuu helay tani waxay ka dhigan tahay xili cayaareedkii dhamaaday  55-kubadood oo gool loo fishay inuu Torres qasaariyay!!

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close