Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaneyso inay lasoo saxiixato xidiga laga daba dhacay James Rodriguez kadib markii Real ay kala heshiisay qiimaha laacibkan naadiga AS Monaco, wararka ayaa intaas ku daraayo in Real Madrid ay dhigeeda Monaco ku wareejin doonto €80m oo dhiganto (£63m), tani waxay fududeyn doontaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan James garoonka Bernabue ugu soo dhaqaaqo.
Gudoomiyaha naadiga Monaco Dmitry Rybolovlev iyo masuulka ugu sareeyo kooxda Real Madrid Florentino Perez waxay ka wada sheekeesteen qaabkii James uu Madrid ku imaan lahaa inkastoo Dmitry Rybolovlev uu marka hore dal baday €115m hadana Real Madrid aya dalabkiisa ku tilmaantay mid aan loo rumeyn karin waxayna ugu dambeyntii labada dhinac ku heshiiyeen €80m, kulanka labadan masuul waxaa xaqiijiyeen wargesyada Marca iyo Caughtoffside.
Kooxda Monaco ayaa lacago badan u baahan si ay kaga bad baado ganaaxa UEFA madaama ay kooxdan lacago badan qarash gareesay ayadoon wax daqli ah soo galin sidoo kale Real Madrid ayaa saxiixa James u baahan madaama ay kooxdan dooneyso inay dhigeeda Barcelona u jawaabto oo dhawaan lacago badan kula soo wareegtay Luis Suarez sidaa darteed maal maha nagu soo fool leh ayuu heshiiska James Barnabue ku imaanayo si rasmi ah u hirgali doonaa.
Profile