Home » Horyaalada » La liga » Qaas: Arsenal Oo £48m Kusoo Qaadan Rabto Labo Ka Mid Ah Xidigaha Real Madrid

Qaas: Arsenal Oo £48m Kusoo Qaadan Rabto Labo Ka Mid Ah Xidigaha Real Madrid


Alvaro+Morata+DzLAfbL66cbm

Kooxda Arsenal ayaa ku guuleesatay soo xero galinta labo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan naadiga Real Madrid, Caughtoffside.com ayaa si rasmi ah u sheegay in Arsenal ay Real Madrid kala heshiisay lasoo saxiixashada xidigaha kala ah Angel Di Maria iyo Alvaro Moratta waxayna Gunners-ka labadan laacib ku iibsan rabtaa £48m sidoo kale Real Madrid ayaa la sheegay inay qiimahan lacageed aqbashay.

Angel Di Maria maal mihii ugu dambeesay ayuu qirtay in lasoo gaaray xiligii uu Real Madrid isaga tagi lahaa sidoo kalena wiilka dhalinta yar Morata isagana kooxda Juventus ayuu ku dhawaa inuu ku biiro balse haatan Arsenal ayaa soo xero galinta labadan xidig ku guuleesatay, sidoo kale Caughtoffside.com ayaa sheegay in Madrid iyo Arsenal ay qiimaha labadan ku heshiiyeen balse kaliya Gunners-ka waxaa u dhiman inay heshiiska shaqsiga ah labadan xidig la gaarto, sababta ugu weyn ee Madrid labadan xidig u iibin doonto ayaa la sheegay inay Luis Suarez soo xero galintiisa ku raad joogto sidaa darteed lacagaha ay iibka Di Maria iyo Morata ka hesho waxay u adeegsan doontaa inay Suarez kula soo wareegto.

Wixii kusoo kordha Kala Soco Hiilkubad.com

 

 

Close