waxaa dhawaanahaan soo shaac baxayay xiisaha ay uqabaan kooxaha ka dhisan horyaalka talyaaniga saxiixa xidiga qadka dhexe kaga ciyaara kooxda spurs ka Bentaleb .
Kooxaha Juventus, Napoli, Roma iyo Lazio oo dhamaantood wada dooneya inay lasoo saxiixdaan xiddiga qadka dhexe ee Spurs Nabil Bentaleb dhamaadka xilli ciyaareedkaan, sida ay sheegtay London Evening .
Xidigaan Heerka caalami ee dalka Algeria ayaa heshiiska uu garoonka White Hart Lane kujoogo uu ku eg yahay bisha June 2018.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda waqooyiga London ayaa ku rajo weyn in ciyaaryahankooda uu qalinka ku duugi doono xagaagan heshiis cusub.