Home » Horyaalada » League 1 » PSG Oo Talaabadii Ugu Dambeysay U Qaadeysa Saxiixa Eden Hazard

PSG Oo Talaabadii Ugu Dambeysay U Qaadeysa Saxiixa Eden Hazard


PSG 'to make final £68m Hazard bid'

Paris Saint Germain ayaa ku warantay iney talaabadii ugu dambeysay u qaadeyso saxiixa garabka xulka Belgiumka iyo kooxda Chelsea Eden Hazard iyadoo soo bandhigtay aduun lacageed dhan £68 Malyan Oo Pound.

Kooxda reer France taas oo 50 Malyan Oo Pound ku iibsatay David Luiz dhamaadkii bishii May ayaa hadana dooneysa iney xidig labaad kasoo qaadato Blues iyadoo xooga saareysa Hazard.

Si Kastaba laba  jeer oo ay PSG horay isugu dayday xidigaan waxba kama soo bixin balse haatan ayey sameyneysaa qaabkii ugu dambeeyay oo ay kaga quusaneyso ama ku heleyso xidigii hore Lille.

Jose Mourinho faces a battle to keep Hazard (Picture: Getty)

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa doonaya inuu Stamford Bridge kusii haayo xidigaan heerka caalami isagoo donaya inuu kooxda dhiso madama kooxda ay lasoo saxiixatay Diego Costa oo weerarka kaga ciyaarayay Atletico Madrid.

Ugu dambeyntii Eden Hazard ayan qarin jaceylka uu u qabo inuu mar xirt maaliyada kooxda Paris Saint Germain taasna waxaa suuragal ah iney fududeyso in Hazard uu tago Paris.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close