Kooxda Paris Saint Germain ee ka dhisan dalka faransiiska ayaa diyaar u ah iney bixiso 60 Malyan Oo Pound iyadoo Real Madrid ka dooneysa garabkeeda reer Argentina Angel Di Maria.
Mustaqbalka Angel Di Maria ee Real Madrid ayaa shaki ku jira madama kooxda Bernabue ka dhisan ay dooneyso iney iska iibiso xidigaan heerka caalami.
Xidigii hore Benfica ayaa door muhiim ah ku lahaa kooxdii Real Madrid ee ku guuleysatay Champions League xili ciyaareedkii dhamaaday.
Kooxda Faransiiska ka dhisan oo ay leeyihiin maalqabeno carbeed ayaa diyaar u ah iney bixiyaan lacago 60 Malyan Oo Euro gaaraya madama ay ku hungoobeen dalabkii ay u gudbiyeen Eden Hazard oo ka tirsan kooxda Blues.
Angel Di Maria ayaa kusoo biiray Real Madrid sanadii 2010 wuxuuna kooxdiisa la qaaday 1-horyaal oo La Liga, 1-Champions League iyo 2-Copa Del Rey.
Ugu dambeyntiina Di Maria wuxuu ka qeyb yahay wiilasha macalin Alejandro Sabella ee ku sugan Semi finalka koobka Aduunka kuwaas oo ku beegmay Holland inkastoo uu dhaawac ku seegayo.
Profile