Kadib markii xalay la ciyaaray lugta labaad ee wareega 32-aad ee Europa League waxaa la sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee tartankaas iyadoo ay kasoo baxeen kulamo adag oo xiiso gaar ah leh waxaana isku beegmay kooxaha F.C. Porto vs Napoli halka Juventus oo ah naadiga martigalinaya Finaalka tartankaan uu ku beegmay kooxda ay xifaaltamaan ee Fiorentina ee isla dalka talyaaniga.
Sidoo kale Tottenham Hotspur oo xalay soo gudubtay ayaa ku aaday Naadiga sanadii hore finalka tartankaan istaagay ee Benfica.
Isku Aadka Oo Dhameystiran:
AZ Alkmaar v FC Anji Makhachkala
PFC Ludogorets Razgrad v Valencia CF
FC Porto v SSC Napoli
Olympique Lyonnais v FC Viktoria Plzeň
Sevilla FC v Real Betis Balompié
Tottenham Hotspur FC v SL Benfica
FC Basel 1893 v FC Salzburg
Juventus v ACF Fiorentina
Kulamadaan lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 13-ka March, halka Lugta Labaad la ciyaari doono 20-ka March,
Sigoo kale Isku aadka wareegyada Quarter Finalka iyo Semi Finalka xiliyada la sameyn doono ayaa la shaaciyay.
Quarter Finalka: waxaa la sameyn doonaa 21-ka March, halka kulamadiisa la ciyaari doono 3 & 10-ka April, halka Semi Finalka isku aadkiisa la sameyn doono 11-ka April, waxaana kulamadiisa la ciyaari doonaa 24-ka April & 1-da May, ugu dambeyntiina Finalka ayaa magaalada Turin gaar ahaan garoonka Juventus lagu qaban doonaa 14-ka May.