Weeraryahanka xulka Jarmalka Lukas Podolski oo siweyn ugu hanqal taagayo kulanka adag ee dhex mari doono Germany Vs Portugal habeenka isniinta ayaa meesha ka saaray in xidigaha xulkiisa ay ku mashquuli doonaan qaabkii Cristiano Ronaldo kubada looga ilaalin lahaa wuxuuna Podolski sheegay in kulankan xiisaha badan ay diyaar garow adag u galeen balse aysan isku mashquulin doonin Ronaldo wuxuuna yiri “Waxaan u diyaar garownay sidii aan Portugal uga hortagi laheen balse Jarmalka qorshe ay Cristiano Ronaldo ku raacaan ma diyaarsanin waxaana dooneynaa inaan dhamaan xidigaha reer Portugal oo idil ahmiyad wada siino”
29-jirkan waaya araga ah ayaa amaan gaar ah usoo jeediyay Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri “ma jirto cayaaryahan la mid ah Cristiano waa xidiga aduunka ugu wanaagsna sidoo kalena leh tayo aad u sareyso sidoo kalena aan halis badan kala kulmi karno dhankeena anaga xitaa xidigo tayo wanaagsna ayaan heesanaa waxaana ku kalsoonahay inaan kulankan adag guuleesan karno” Lukas Podolski ayaa dhanka kale sheegay in xidigaha xulka Jarmalka ay ku quus qaateen cashirkii loo dhigay Spain waxayna doonayaan inaysan qaladkaas oo kale galin sidoo kalena xidigan ayaa walaac ka muujiyay kuleelka joogtada ah ee dalka Brazil ka jiro inkastoo uu sheegay inaysan marnaba hoos u dhac muujin doonin kulanka ay Portugal la cayaari doonaan.