Home » Europe » Europe League » Pirlo Oo U Suura Galiyay Inay Juve U Gudubto Wareega 8-aad Ee Europa League Iyo Dhamaan Naadiyada Soo Baxay

Pirlo Oo U Suura Galiyay Inay Juve U Gudubto Wareega 8-aad Ee Europa League Iyo Dhamaan Naadiyada Soo Baxay


Pirlo

Naadiga Juventus rajada ay ka qabto inay garoonkeeda ku qaado tartanka Europa League ayaa weli taagan kadib markii Juve ay 1-0 ku quusisay naadiga Fiorentina cayaar aad u dhib badneed balse halyee Andrea Pirlo uu ku can baxay xiliyada la isku dhagan yahay inuu kooxdiisa bad baadiyo ayaa laad xor ah Juve u dhaliyay kulankan daqiiqadii 71-aad, inkastoo Fiorentina ay dadaal badan sameesay hadana kooxdan waxaa aafeeyay calaamada cas ee loo taagay xidigeeda Gonzalo Rodriguez qaybtii dambe ee kulankan xiisaha badan waxaana Juve u suura gashay inay wareega 8-aad xaadir ku noqoto ayadoo maanta galinka dambe ogaan doono kooxda ay ku aadi doonto.

Geeska kale naadiga Napoli ayaa gabi ahaanba tartankan isaga hartay kadib markii 2-2 ay garoonkeeda Sao Paulo kula dhaafi weesay kooxda FC Porto waxayna Napoli ku hartay isku darka goolasha labada lug 3-2 madaama lugtii hore Porto ay 1-0 ku badisay, cayaartii ugu xiisaha badneed kulamadii xalay la cayaaray waxay dhex martay kooxaha Real Betis iyo Sevilla oo ah labo naadi ooh al magaalo ka wada dhisan, inkastoo lugtii hore Betis 2-0 ku badisay hadana xalay markeeda iyada 2-0 ayaa Sevilla ku qaarijisay waqtigii dheerigi ahaa ee lagu daray waxba iska dhalinin waxayna labadan koox ku kala baxeen rigoorayaal 4-3 naadiga Sevilla oo usoo gudubtay wareega 8-aad. Guud ahaan kulamadii xalay la cayaaray tartanka Europa League waxay kooxaha ku kala baxeen:

Anzhi Makhachkala 0 – 0 AZ Alkmaar

Benfica 2 – 2 Tottenham Hotspur

Fiorentina 0 – 1 Juventus

Valencia 1 – 0 PFC Ludogorets Razgrad

Viktoria Plzen 2 – 1 Lyon

Real Betis 0 – 2 Sevilla

SSC Napoli 2 – 2 FC Porto

Salzburg 1 – 2 Basel

Hadaba 8-naadi ayaa usoo gudbeen wareega 8-aad oo la qori tuuri doono maanta 3:00 galabnimo ee xiliga geeska Africa waxayna kooxahaas kala yihiin:

Juventus oo tartankan horey ugu guuleesatay 3-jeer markii la oran jiray UEFA Cup (1976/77, 1989/90, 1992/93).

FC Porto oo ku guuleesatay 2-jeer (2002/03, 2010/11)

Sevilla oo ku guuleesatay 2-jeer (2005/06, 2006/07)

Valencia oo ku guuleesatay 1-jeer (2003/04)

Lyon, FC Basel, Benfica, iyo AZ Alkmaar iyagana wareega 8-aad ayay soo wada gaareen.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close