Home » Europe » Champions League » Pepe Oo La Filayo Inuu Waayo Finalka Champions League Kadib Dhaawac Soo Gaaray

Pepe Oo La Filayo Inuu Waayo Finalka Champions League Kadib Dhaawac Soo Gaaray


Pepe

Naadiga Real Madrid ayaa isku diyaarineyso Pepe la’aantiisa inay ka hortagto Atletico Madrid 24-ka bishan May madaama daafaca reer Portugal uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka Qoobka midig sidaa darteed shaki weyn ayaa ku jiro inuu safan karo kama dambeesta koobka horyaalada Yurub, wargeska Marca ayaa shaaca ka qaaday in Pepe uu garoomada ka maqnaan doono mudo 2-todobaad ah madaama jugtan ay soo gaartay arabacadii aan kasoo gudubnay kulankii Madrid bar bar dhaca 1-1 la dhaafi weesay naadiga Real Valladolid sidaa darteed daafacan awooda badan ma heesto waqti ku filan oo uu kusoo kabto madaama Finalaha koobka horyaalada Yurub 14-cisho ka harsan tahay ma heli doono Pepe waqti uu diyaar garow adag ugu galo kulankan xiisaha badan.

Real Madrid horey waxay u weesay Xabi Alonso oo aan Finalaha Champion-ka cayaari doonin madaama ganaax labo jaale uu ku maqnaan doono haatana macalin Carlo Ancelotti uu maankiisa galin doonaa in Pepe uu isagana seegi doono sidaa darteed labo xidig oo sabab u ahaayeen inay Real Madrid kama dambeesta Champion-ka soo gaarto ahaa 24-ka bishan ka maqnaan doonaan, hadii Pepe uu ku guul dareesto inuu soo kabto ka hor Finalaha Champion-ka daafacan waxaa booskiisa buuxin doono Raphael Varane oo diyaar u ah inuu fursadan qaaliga ah ka faa’iideesto madaama daafaca reer France ee dhalinta yar isagaba booskiisa uu ku waayay kadib markii uu dhaawac mudo dheer garoomada kaga maqnaa balse haatan si wanaagsan ayuu usoo kabtay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close