Home » Latin America » Pep Riena: Higuian Wuxuu Noqon Doonaa Maradonaha Cusub Ee Kooxda Napoli

Pep Riena: Higuian Wuxuu Noqon Doonaa Maradonaha Cusub Ee Kooxda Napoli


higuain-napoli-1024x664

Goolhayaha kooxda Napoli Pep Riena ayaa aaminsan in saaxiibkiis Gonzalo Higuian uu xili cayaareedkan Napoli u horseedi karo ku guuleysiga Serie A-da sidoo kalena uu xidigan noqon karo Maradonaha cusub ee garoonka Sao Paulo laga jecel yahay, tan iyo markii uu Higuain isaga soo tagay kooxda Real Madrid xagaagii aan kasoo gudubnay wuxuu kusoo baxay xidig si wanaagsan ula qabsaday kooxdiisa cusub sidoo kalena siweyn usoo jiitay dadka ku nool magaalada Naples, Riena oo ka hadlaayo saameynta uu Higuain la yimid wuxuu yiri “dadka reer Naples oo sidan u faraxsan mudo dheer ayaa ugu dambeesay waxayna afka ku hayaan Gonzalo Higuain sidaa darteed markii aan qiimeeyay hormarka uu sameenaayo waxaan aaminsahay inuu Maradonaha cusub Napoli ka noqon karo”

Riena isagaba xagaagan ayuu Napoli kusoo biiray wuxuuna isaga soo tagay kooxda Liverpool sidoo kale goolhayahan waaya araga ah ayaa sheegay inuu hadafkiisa yahay inuu Napoli kula guuleesto horyaalka Talyaaniga wuxuuna yiri “Napoli waa koox awood badan sidoo kalena macalin tayo wanaagsan ayaa horkacaayo arintaas awgeed hadafkeyga wuxuu yahay inaan Serie A-da kula guuleesto sidoo kalena aan magac ku yeesho garoonka Sao Paulo mudada aan joogi doono”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close