Macalinka kooxda Bayern Munich Pep Guardiola oo ka hadlaayay kulanka caawa kooxdiisa la cayaari doonto naadiga CSK Moskow kana tirsan furitaanka koobka horyaalada Yurub ayaa iska diiday inuu ka hadlao in kooxda reer Jarmal ay difaacan karto tartanka Yurub ugu qiimaha badan, Pep oo aan rabin inuu hadal ka tago ayaa ku gaabsaday inaan la joogin xiligii laga hadli lahaa koobkan cida qaadi doonto madaama xili bilaaw ah la joogo wuxuuna yiri “waa waqti hore kumana haboono in laga hadlo Bayern inay koobkan difaacan karto waa shaqo ka badan arinkaan ayaa inoo taalo sidaa darteed xiligan ma ahan inaan ka hadlo rajada aan tartankan ka qabno”
Guardiola iyo kooxdiisa Bayern sabtigii aan kasoo gudubnay waxay 2-0 uga badiyeen naadiga Hannover kulan ka tirsanaa Bundesligaha wuxuuna macalinkan aaminsan yahay in kooxdiisa ay caawo guul ku bilaabi karo koobka horyaalada Yurub madaama ay garoonkeeda Allianza Arena ku cayaari doonto wuxuuna yiri “aadban ugu qanacsanahay qaab cayaareedkii aan dhawaanahan soo bandhigeenay waxaana aaminsanahay inaan caawo guulaan karno inkastoo CSK aan la dhayilsan karin” macalin Pep ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay dhaawacyada wareeriyeen xidigaha kooxdiisa wuxuuna sheegay in qorshe walbo oo uu damacsanaa inuu Bayern ka hirgaliyo dib u liqay madaama raggii uu ku tashanaayay dhaawac uga maqan yihiin sida Mario Gotze, Thiago Alcantra iyo Javi Martinez.