Macalin Pep Guardiola ayaa iska diiday in kooxdiisa xili cayaareedkan waxqabadka ay gaarteen lagu xukmin doono natiijada caawo kasoo bixi doonto kulanka ay Bayern garoonka Allianza Arena ku marti galin doonto naadiga Real Madrid lugta labaad ee koobka horyaalada Yurub wuxuuna Pep sheegay in kooxdiisa guulaha xili cayaareedkan ay gaartay uu ku faani karo wuxuuna yiri “natiijo walbo oo caawo kasoo baxdo kulanka aan Madrid la cayaari doono ma xukmin doonto waxqabadkeena xili cayaareedkan waayo horey ayaan Bundesligaha ugu guuleesanay sidoo kalena German Cup Final ayaan taaganahay haatana Semi Final ayaan joognaa Champion-ka sidaa darteed xili cayaareedkii wixii noo qabsoomay iyo caawo waxa kasoo bixi karo kulanka Madrid shaqo iskuma lahan!”
Macalin Guardiola oo isku kalsoon ayaa ka rajeynaayo taageerayaasha kooxdiisa inay caawo garab siiyan madaama Bayern lugtii hore 1-0 Madrid uga soo badisay wuxuuna yiri “Aniga waxaan doonayaa inaan Final-ka Champion-ka usoo baxo sidoo kalena xidigaheyga iyo taageerayaasha iyagana damacaas ayay ila qabaan bals si aan hadafkeena u gaarno waa inaan iskaashana dabcan taageerayaasheen waxaan ka rajeynaa inay caawo na garab istaagi doonaan sidii ay todobaadkii hore taageerayaasha Real Madrid u garab istaageen” ugu dambeyntii Pep Guardiola wuxuu amaan balaaran usoo jeediyay dhigiisa Carlo Ancelotti asigoo ku tilmaamay macalin qabiir ah una qalmo inuu Real Madrid xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub u qaado iyo koobab kale mustaqbalka dheer.