Home » Maxaa Cusub » Pep Guardiola “Jarmalka Waa U Qalmeen Inay Koobka Aduunka Ku Guuleestaan”

Pep Guardiola “Jarmalka Waa U Qalmeen Inay Koobka Aduunka Ku Guuleestaan”


Pep Guardiola says Bayern Munich gave great first impression - video

Tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa siweyn usoo dhaweeyay guusha ay xulka Jarmalka koobka aduunka ka gaareen wuxuuna macalinka reer Spain sheegay in Jarmalka ay u qalmeen hanashada koobka aduunka wuxuuna yiri “Waa arin aad loola dhaco in Jarmalka ay koobka aduuka ku guuleesteen sidoo kalena hambalyo ayaan leeyahay sidoo kalena Jarmalka waa xul u qalmay inay koobka aduunka hantaan”

Pep oo qoraal rasmi ah soo bandhig boga Bayern Munich ku leedahay Internet-ka ayaa hadalkiisa sii watay wuxu yiri “farxad weyn ayay ii tahay in xidigaheyga aan macalinka u ahay inay koobka aduunka qaadeen sidoo kalena tababare Jogi Low waan u hambalyeynaa madaama uu dadaal dheeri ah sameeyay”

Inkastoo xulka Jarmalka si wadajir ah ay koobka aduunka u qaadeen hadana awooda iyo miisanka xulkan waxay ku tiirsaneen xidigaha kooxda Bayern Munich waxaana xusid mudan in kulankii Jarmalka 1-0 Argentina koobka kaga qaadeenay 7-ka mid ah xidigaha Bayern garoonk ku jireen weliba Mario Gotze oo Bayern ka tirsan aya goolka guusha dhaliyay sidaa darteed agaasimaha guud ee Bayern Munich Matthias Samme ayaa arinkan ka hadlay wuxuu yiri

“sharaf weyn ayay Bayern u tahay sidoo kalena farxadaan aan heesano si wadajir ah ayaan u gaarnay madaama xidigaha Bayern tartankan ka dhex muuqdeen”

Ugu dambeyntii agaasime Sammer ayaa sheegay in reer Jarmal ay gaareen hadafkoodii sidoo kalena riyadii lagu wada riyoonay inay run noqotay kadib markii Jarmalka koobka aduunka hanteen markoodii 4-aad.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close