Pep Guariola iyo xaaskiisa oo ku wada faraxsan inay ka qayb qaataan xaflada Oktoberfest!

Macalin Pep Guardiola iyo xidigahiisa kooxda Bayern Munich ayaa ka qayb galeen xaflada caanka ah ee gobolka Bavaria sanad walbo bisha October laga dhigo waxaana loo yaqaan Oktoberfest, todobaadkan waxaa magaalada Munich lagu qabtay xafladii soo jireenka ahayd mideedii 180-aad, inkastoo Pep uu magaalada Munich ku sugan yahay mudo gaaban sidoo kalena uusan si wanaagsan u aqoonin dhaqanka dadka ku nool magaaladan soo jireenka ah hadana macalinka reer Spain ayaa wacdaro ka dhigay xafladii Oktoberfest madaama uu soo xirtay dharka hidaha iyo dhaqanka ee xafladaan loogu tala galay sidoo kalena maamulka iyo dhamaan cayaartooyda Bayern ayaa tababare Pep ku wehliyeen xafladan soo jireen-ka ah fadlan hoos kaga bogo sawira oo dhameestiran:
Pep Guardiola oo kusoo baxay nin reer Bavaria ah xafladana wacdaro ka dhigay!
Bastian Schweinsteiger iyo saaxiibtiis Sarah Brander oo iyagana xalfadan kasoo muuqdeen.
Javi Martinez oo kaligiis caweynaayo
Bayern Munich kulankeeda ugu soo horeeyo Bundesligaha waxay garoonkeeda Allianza Arena ku qaabili doontaa naadiga FSV Mainz 19-ka bishan wuxuuna macalin Pep ku faraxsan yahay in fasax la galay xili kooxdiisa hogaamineyso Bundesligaha weliba 15-cayaaryahan oo Bayern ka tirsan ayaa loogu yeeray xulalkooda si ay isreeb reebka koobka aduunka uga qayb qaataan.
Daniel van Buyten iyo xaaskiisa Celine sidoo kalena caruurtiisana kama maqneyn xaflada Oktoberfest.
Daafaca reer Brazil Dante oo isna hidaha iyo dhaqanka Munich soo xirtay waxaana la sawiray xaaskiisa Jocelina iyo caruurtiisa
Qalbi isjecel: Claudio Pizarro iyo gabadha uu yaraantiisa jeclaan jiray Karla Salcedo