Home » Horyaalada » Bundesliga » Pep Guardiola: Bayern Munich Ma ahan Naadiga Ugu Wanaagsan Qaarada Yurub

Pep Guardiola: Bayern Munich Ma ahan Naadiga Ugu Wanaagsan Qaarada Yurub

article-0-1A1A647700000578-567_634x429

Macalin Pep Guardiola ayaa iska diiday in kooxdiisa lagu tilmaamo naadiga ugu awooda badan qaarada yurub wuxuuna arinkaas ku tilmaamay mid shirqool ah oo lagu doonayo in  Bayern ay dhibaato kala kulanto kooxaha ay loolamaan wuxuuna Pep aaminsan yahay in kooxdiisay hormar sameyneso balse aysan gaarin heer lagu tilmaamo kooxd Yurub ugu fiican wuxuuna yiri “Bayern ma ahan naadiga ugu wanaagsan qaarada Yurub waa run sanadkii hore sedex koob oo taariikhi ah ayaan qaadnay sidoo kalena markaas Bayern waa lagu tilmaami karo kooxda aduunka ugu awooda badan balse hada maya sababtoo ah kooxda aan hogaamiyo haatan waa midka iska dhex dhexaad ah”

macalin Pep Guardiola ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisa Bayern Munich weli noqon naad dhameestiran balse ay hayaan wadadii ay ku noqon laheed wuxuuna sheegay in sanadkan Bayern hadafkeeda uu yahay inay difaacato tartan walbo oo ay sanadkii hore ku guuleestay, ugu dambeyntii macalinka reer Spain ayaa sheegay in kooxdiisa dooneyso ku guuleysiga tartanka naadiyada aduunka oo haatan ka kas socdo waxayna Bayern kulankeeda ugu horeeyo tartankan cayaari doontaa arbacaa nagu soo fool leh.


Waxaa Aqrisay: (165)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>