Home » Maxaa Cusub » Pellegrini Oo Ka Mushaar Yar Mourinho, Hadaba Waa Kuwee 10-ka Macalin Ee Ugu Mushaarka Badan Dunida?

Pellegrini Oo Ka Mushaar Yar Mourinho, Hadaba Waa Kuwee 10-ka Macalin Ee Ugu Mushaarka Badan Dunida?


jose-mourinho-manu_2815193b

Tababaraha reer Chile Manuel Pellegrini wuxuu Man City u horseeday hanashada Premiership-ka England dabcan waa markii ugu horeesay oo uu qaarada Yurub koob muhiim ah ku hanto asigoo macalin ah balse tababarahan waaya araga ah xili cayaareedkan wuxuu ka guuleestay ninka muran badan, awooda badan, kaftanka badan, xanaaqa badan, qayaanada badan, xanta badan, mushaarka badan waa Jose Mourinho waayo Mourinho bilawgii xili cayaareedkan markii uu kusoo laabtay Premiership-ka waxaa la isku raacay inuu Chelsea horyaalka u qaadi doono inkastoo Man City ay xidigo tayo wanaagsan heesatay hadane Manuel Pellegrini tayadiisa ayaa laga shakiyay waxaaa la islahaa Pelligrini kama hoos qaraaban karo Mourinho!

Haatan horyaalka Manuel Pellegrini ayaa la caraabay waxaana shaaca laga qaaday in macalinkan mushaarka uu qaato sedex laab ama ka badan uu Jose Mourinho Chelsea ka qaato waxaan ula jeednaa 12-bilood ee aan kasoo gudubnay Manuel Pellegrini wuxuu City ka qaatay €4.15m halka Mourinho uu isagana Chelsea ka qaatay €12.2m! waxaa la yaab ah in labadan shaqsi aysan isku dhaweyn dhanka lacagta.

Markana aan fiirino 10-ka macalin ee caalamka ugu mushaarka badan iyo kaalimaha ay labadan shaqsi ku kala jiraan waxaana naga xasuusin ah in farqi weyn uu u dhaxeeyo labadan shaqsi fadlan hoos kaga bogo:

1. Pep Guardiola (Bayern Munich), €17 million

2. José Mourinho (Chelsea), €12.2m

3. Marcello Lippi (Guangzhou), €10.1m

4. Fabio Capello (Russia), €9.4m

5. Carlo Ancelotti (Real Madrid), €7.6m

6. Arsene Wenger (Arsenal), €7.2m

7. Gerardo Martino (FC Barcelona), €5.4m

8. Jurgen Klopp (Borussia Dortmund), €4.3m

9. Manuel Pellegrini (Manchester City), €4.15m

10. Jorge Jesus (Benfica), €3.9m

F.G: lacagtan waa mushaarka sanadlaha ah ee uu tababar walbo qaato waxaana hubaal ah in liiskan uu isbadal ku imaan doono madaama lagu saleeyay 12-bilood ee aan kasoo gudubnay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close