Home » Maxaa Cusub » Pele: “Neymar JR Wuxuu Sameeyay Hormar Tan Iyo Ku Biiritaankiisa Barcelona”

Pele: “Neymar JR Wuxuu Sameeyay Hormar Tan Iyo Ku Biiritaankiisa Barcelona”


Barcelona

Boqorkii Kubada cagta reer Brazil Pele ayaa amaanay doorashada Neymar uu doortay ku biiritaanka kooxda Barcelona. 22-jirkar reer Brazil ayaa ku biiray Barcelona xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, 13gool ayuu dhaliyay isagoo caawiyay 11-gool, kulamadii uu kooxdisa  u ciyaaray tartamada La Liga iyo Champions League.

Xidigaan da’da yar ayaa hogaan u ah haatan dalka Brazil ee ka qeyb galaya koobka Aduunka oo ciidadooda lagu qaban doono xiligaan xili Jaalayaasha ay raadinayaan koobkoodii 6-aad ee aduun taariikhda tartankaan oo markii 20-aad la qaban doono 12-ka June.

Pele oo sadex jeer horay ugu soo qaaday koobka Aduunka xulka Brazil sanadihii (1958, 1962 & 1970) ayaa rumeysan in wiilkaan dhalinta yar uu hormar ka faa’iiday ku biiritaanka kooxda Bulgarana ee ka dhisan dalka Spain.

“1958-dii waxaan ahaa 17-jir waxaana kaliya u ciyaarayay koox ka dhisan dalkeyga” Ayuu u sheegay Times of India, “Neymar waa 22-jir wuxuuna leeyahay qibrad hal sano ah oo uu kazoo faa’iiday dala Spain” ayuu yiri Pele.

“Waqtiga wuu isbadalay hada, ciyaariyahanka waxaa caawinaya la qabsiga qaabab kala duwan, waxaan dareemayaa in Neymar uu noqon doono xidig fiican sida uu haatan ugu ciyaaro Barcelona, waa da’yar layaab leh” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Wuxuu leeyahay awood uu ku garabkiisa ugu xambaari karo xulka Brazil sidii uu sameeyay koobkii Confederation Cupka, wiilku waa Geesi” 73-jirkaan kubada cagta qiimaha ka leh ayaa sidoo kale amaanay tababare Scolari kaas oo soo xushay xul miisaaman oo dhinac walba ka dhameystiran.

“Marka aad eegto xulka Brazil, daafaca iyo goolhayaha waa xidigo qabiir ah oo leh waaya aragnimo, halka khadka dhexe iyo weerarkana ay yihiin da’yar aan caadi aheyn”

Ugu dambeyntiina Pele ayaa ka hadlay wadamada kale ee loo saadalin karo Koobka Aduunka, “Kooxo badan ayaa awood ka abuuri kara Brazil, sida: Italy, Argentina, Germany, Spain, Uruguay & Portugal

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close