Home » Maxaa Cusub » Pele: Ganaaxa Suarez Waxay Tusaale U Noqon Doontaa Cid Kasta Oo Qaniinyo Sameyn laheyd

Pele: Ganaaxa Suarez Waxay Tusaale U Noqon Doontaa Cid Kasta Oo Qaniinyo Sameyn laheyd


429619_heroa

Halyeyga Brazil ayaa aaminsan in Fifa ay ka qaadatay Suarez go’aan ku haboon falkii uu sameeyey, isagoo aaminsan inaysan mar dambe dhici doonin qaniinyo dambe.

Pele ayaa taageeray ganaaxaan la dul dhigay Suarez kadib markii uu qaniinyo taarikhi ah ku sameeyey Daafaca Dalka talyaaniga ee Giorgio Chiellini.

Xidigaan ayaa la ganaaxay inuusan afar bilood sameyn karin wax dhaq dhaqaaq Sports, sidoo kalana waxaa laga ganaaxay sagaal kulan oo heer caalami ah iyo 100,000 Oo Lacagta Swiss Francs ah

Inkastoo Qaar kamid ah xidigaha Adduunka ugu caansan ay muujiyeen inay ka xun yihiin ganaaxaan, oo uu ugu horeeyey daaficii la qaniinay Chielini iyo Diego Maradona ayna ku tilmaameen Ganaaxaan mid xad dhaaf ah haddana Pele ayaa aaminsan in go’aankaan uu yahay midkii sababi lahaa inaan la arag xidig dambe oo qaniinyo isku dayo.

” Go’aanka FIFA ay ka qaadatay Suarez waa Mid sax ah maxaa yeelay waxay noqon doontaa Tusaale” 73 jirkaan ayaa u sheegay  Folha de Sao Paulo.

 

Close