Home » Maxaa Cusub » Paul Scholes Oo Dood Ka Keenay In Man United Ay Lacago Badan Kusoo Iibsato Wiilka Dhalinta Yar Luke Shaw!

Paul Scholes Oo Dood Ka Keenay In Man United Ay Lacago Badan Kusoo Iibsato Wiilka Dhalinta Yar Luke Shaw!


C_71_article_1597681_image_list_image_list_item_0_image

Halyeega kooxda Man United miisaanka culus ku leh Paul Scholes ayaa si ka duwan dadka qaar qaabkii ay usoo dhaweeyaan heshiiska Luke Shaw kaga hadlay wuxuuna ruug cadaagan saluugsan yahay lacagaha waalida ah ee xidigan 20-sano weli gaarin lagu soo iibsaday wuxuuna Scholes arinkan ka yiri “waa wax lala yaabo in wiil 18-jir ah ay Man United £30 million ku iibsato kama wadi inaan tayada Shaw ka cabsi qabo balse qaabka ay wax u socdaan ayaan la yaabanahay waayo dhawaanahan xidigo aanan 20-sano gaarin ayaa lacago waali ah lagu iibsanayaa midaasna waxay keeni kartaa in xidigaha dhalinta yar cadaadis weyn soo wajaho midaas oo sababi karto in gabi ahaanba ay hormar ka sameyn kari waayaan kubada cagta”

Paul Scholes oo ka mid ah shaqsiyaadka guulaha taariikhiga ah Man United lasoo qeebsaday ayaa sheegay hadii uu awooda United gacantiisa ku jiri laheed inuu lacagahan si kale u adeegsan lahaa wuxuuna yiri “dabcan £30 million waxaan kusoo iibsan lahaa weerarayahan halkii xili cayaareed 30-gool dhalin karo balse go’aanka aniga gacanteyda kuma jiro!” sidoo kale Scholes ayaa dhaliilsan suuqa Premiership-ka England wuxuuna sheegay in xidigaha ka cayaaraan meel ka baxsan horyaalka England ay qiimo jaban yihiin wuxuuna yiri “uma wanaagsano kubada England in xidigaheena lacago waali ah la dul dhigo midaas marka ay dhacdo waxaa wanaagsan in suuqa Yurub laga soo iibsado laacibiin ka qiimo jaban kuwa Premiership-ka ku sugan”

Close