Home » Maxaa Cusub » Paul Scholes “Gerard Waayihiisa Xulka England Fashil Ayu Kusoo Idlaaday!”

Paul Scholes “Gerard Waayihiisa Xulka England Fashil Ayu Kusoo Idlaaday!”


Paul Scholes

Halyee Paul Scholes o dhawaanahan kusoo baxay shaqsi si joogto ah saxaafada u adeegsado sidoo kalena u dhiirado inuu laacibiinta xulka England wax ka sheego ayaa haatan diirada saartay kabtankii hore ee xulka England Steven Gerard kaasi oo dhawaan cayaaraha caalamiga isaga fariistay, kadib markii uu Gerard ka dhex muuqday 14-sano xulka England laacibkan ayaa go’aansaday inuu masraxa u baneeyo dhalinta soo koreyso. Inkastoo gudoonka xiriirka kubada cagta England ay Steven u mahad celiyeen hadana Scholes ayaa aragti midaas ka duwan qabo wuxuuna yiri

“waan hubaa in dhamaanteena aan fashil ku dhameesanay waqtigeenii xulka England sidoo kalena Steven waxba nama dhaamo madaama uusan koob muhiim ah ku guuleesanin isagana fashil ayuu cayaaraha caalamiga ah kusoo qatimay”

Steven Gerard wuxu xulka England u saftay 114-kulan wuxuuna cayaaraha caalamiga ah kusoo qtimay tartankii koobka aduunka ee dhawaan dalka Brazil lagu qabtay balse Paul Scholes ayaa saluugsan qaabka ay wax u socdaan marka lag hadlaayo hormarinta xulka England wuxuuna yiri

“30-sano ee ugu dambeesay xulka England cayaar wanaagsan kama soo bandhigin tartamada caalamiga ah marka laha reebo Euro 96 iyo koobkii aduunka 1990 sidaa darteed dhamaanteen fashil ayaan ku wada suganahay mana laga bixi doono hoos u dhacan hadii aanan isbadal muuqdo lagu sameynin siyaasada lagu hago hormarinta kubada cagta dalkeena”

Ugu dambeyntii Scholes ayaa sheegay in haatan uusan arkin xidig u qalmo ama uu siin lahaa kabtanimada xulka England wuxuuna yiri “ma jiro xidig haatan hogaamiyaha England noqon karo balse waa macquul in Wayne Rooney uu kabtanimada xirto!”

 

Close