Da’yarka Xulka Faransiiska iyo Kooxda Juventus Paul Pogba ayaa u mahad celiyay Jamaahiirta kooxdiisa kuwaas oo mar walba amaan la garab taagan isagoo diiday inuu soo hadal qaado wararka suuqa lala wareegayo ee ah inuu ku biirayo kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub midkood.
Paul Pogba ayaa raaxo dareemaya tan iyo markii uu xidigaan Manchester United kaga soo biiray 2012, inkastoo la hadal hayo inuu dhamaadka xagaagan u dhaqaaqayo kooxaha PSG iyo Real Madrid midkood.
21-jirkaan ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda Juve wuxuu dhacayaa 2016 waxaana lagu wadaa inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Turin ka dhisan taasoo sii adkeyn doonta sii joogitaankiisa Talyaaniga, xidigii hore Manchester United ayaana doorbidaya inuu kusii nagaado Juventus Arena.
“Waxaan dareemaa Farxad marka ay Jamaahiirta ku heesaan, “YAAN LA IIBIN POGBA”
“Waxey ii sameeyaan dhiirigalin tii u fiicneyd marka aan ku jiro garoonka”
“Waxey i siiyaan go’aanka ugu weyn nolosheyda, aad ayaan kaga mahad celinayaa heesta ay iigu deeqeen, waxaana ku dadaalaya sidii aan u farxad galin lahaa”
“Waqti xaadirkaan waxa kaliya ee maaneyga ku jira waa inaan ka hadlo waxa aan ku sameeyo garoonka iyo inaan Juve kula guuleysto Scudetto”
“Waan hubaa mar kale ayaana ugu celinayaa kooxaha i daneynaya, “Waxaan kaliya ka fakaraa nolosha Turin iyo sidii aan hormar ugu sameyn lahaa garoonka kaliya”
Paul Pogba ayaana u muuqda mid doonaya inuu sii joogo kooxda Bianconerri waxaana taas ay rajo beel ku ridi doonta hamiga Real Madrid iyo Paris Saint Germain.