Wiilasha macalin Didier Deschamps ayaa wareega 8-aad u gudbeen kadib markii ay 2-0 ku suuldaareen xulka Nigeria, balse sidii la filaayay ma dhicin madaama ay kubad adag kala kulmeen xulka Nigeria, inkasto France cayaartan 2-0 ku badiyeen hadana Nigeria dadaal dheeraad ah ayay muujiyeen waxaana xulkan niyada ka jebiyay goolhayahooda Enyeama oo qalad ku lahaa goolkii Paul Pogba uu kulan ku daah furay inkastoo goolhaye Enyeama loo aqoonsaday geesiga garoonka madaama uu kubado badan xidigaha France ka bad baadiyay, hadaba wixii 90-daqiiqo garoonka ka dhacay oo kooban hoos kaga bogo:
Cayaar xiiso badan waxay ku dhex martay garoonka Estádio Nacional de Brasília, xulka France iyo Nigeria, libaaxyada Afrika ayaa soo bandhigeen kubad aad u wanaagsan qaybtii hore waxayna Nigeria muujiyeen kalsoonida ay isku qabaan weliba qaybtii hore xulka Nigeria ayaa kubad heesasho badnaayeen, waxaa xusid mudan in daqiiqadii 19-aad xulka Nigeria gool laga diiday kadib markii uu shabaqa France kubada ku hubsaday Emenike balse kubadaas ayaa ahayd Off-Side.
Sidoo kale Nigeria waxaa ka naxsaday Paul Pogba oo qarka u fuulay inuu gool qurxoon dhaliyo daqiiqadii 23-aad kadib markii uu laad toosan la helay lugta waxaana loo fishay gool balse goolayaha xulka Nigeria Enyeama ayaa difaacay waxaana lagu tilmaami karaa kubadii ugu halis saneed ee tartankan la bad baadiyo wuxuuna Enyeama muujiyey inuu yahay goolhaye aad u tayo wanaagsan.
gaba gabadii qaybtii hore waxay labad xul heleen fursad qaali ah weliba weeraryahanka xulka Nigeria Emenike ayaa kubad laad xoogan goosha France ku riday balse goolhaye Hugo Lloris ayaa bad baadiyay geeska kale daafaca garabka midig ee xulka France Matheau Debuchy ayaa isna iska qasaariyay kubad gool loo filan karay kadib markii uu laadka goosha ku aadin waayay waxaana qaybtii hore lagu kala nasay 0-0 awood ahaana labadan xul wey isku dheeli tirnaayeen.
Markii la isku soo laabtay qaybtii labaad xulka Nigeria ayaa lasoo baxeen awood dheeraad ahna waxayna France bilaabeen inay daafaca gadaale xoojistaan balse wiilasha reer Nigeria ayaa gabi ahaanba cayaarta la wareegeen waxayna abuureen fursado badan weliba Odemwingie ayaa reer France ka naxsaday kadib markii uu goosha meel fog kasoo toogtay balse goolhayaha France Lloris ayaa halista bad baadiyay.
Xulka France ayaa hurdada ka kaceen daqiiqadii 70-aad waxaana fursad qaali ah helay Karem Benzema oo dadaal weyn sameeyay inkastoo uu xidigan kubada dhaafsiiyay goolhaye Enyeama hadana Victor Moses ayaa diiday inuu goolka dhasho wuxuuna kubada banaanka soo dhigay ayadoon dhaafin xariiqda goosha. Xidigaha xulka France aya duulaandkoodii sii wadeen waxayna ku sigteen Nigeria in gool laga dhaliy balse nasiib wanaag way ka bad baadeen waayo kubad laad xoogan ah ee ka baxday luga Yoahan Cabaye ayaa qoriga goosha Nigeria ku dhacday waxaana lagu tilmaami karaa inuu Cabaye nasiibka ka hiiliyay.
Waxaan la oran karaa goolhayaha Nigeria geesiga garoonka isaga ayaa ahaa madaama uu marlabaad kubad gool loo fishay uu ka celiyay Karem Benzema oo madaxa la helay karoos balse goolhaye Enyeama ayaa ka celiyay daqiiqadii 78-aad, isla kubadaas ayay France koorno ku heleen xulka France waxayna u badaleen gool madaama Paul Pogba uu madaxa la helay kubadii lasoo tuuray daqiiqadii 80-aad balse qalad waxaa ku lahaa goolhaye Enyeama oo xariiqdiisa kasoo baxay sidoo kalena kubada ka leexiyay daafaca Nigeria.
Inkastoo Nigeria ay dadaal sameeyeen hadana waxaa niyad ku riday sidoo kalena cayaarta soo gaba gabeeyay Antoine Griezmann oo cayaarta 2-0 ka dhigay intii lagu guda jiray 5-daqiiqo ee dheeriga ah ee lagu daray, balse markii dambe goolka waxaa la xaqiijiyay inuu iska dhaliyay daafaca xulka Nigeria Joseph Yobo. nasiib xumo Nigeria 2-0 ayaa lagu suul daaray waxayna xulka Afrika matalaayay isaga hareen gabi ahaanba koobka aduunka halka France ay wareega 8-aad u gudbneen.
Profile